|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Xukuumada Soomaaliya ayaa u muuqata mid dhexdeeda isku maandhaafsan xil ka qaadistii maalin ka hor lagu sameeyay Maxamed Dheere Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Qaar ka mid ah Xubnaha Wasiirada ka ah Xukuumada Nuur Cadde ayaa la saftay Madaxweynaha oo wali aanu aqbalin xil ka qaadista Maxamed Dheere uu ku smaeeyay Ra'iisul Wasaaraha, taasoo noqon karta mid ay ku kala qeybsamaan Dowladda dhexdeeda.
Wasiiro ay ka mid yihiin Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay in go'aanka xilka qaadista uu ahaa mid uu watay Ra'iisul Wasaaraha, isla markaana aan iyaga horay loola socodsiin.
Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Go'aanka Ra'iisul wasaaraha uu yahay mid aan sharci aheyn, iyadoo Golaha Wasiirada uu arrinta xilka qaadista aanay u dhameyn.
Sidoo kale Muuse Nuur Amiin Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu soo galay hoolka shirarka, isagoo wata waraaqda xilka qaadista, wuxuuna u sheegay in ay ku raacaan xilka qaadis uu ku sameeyo Maxamed Dheere.
Go'aanka kama dambeysta waa Madaxweynaha, Madaxweynuhuna sida la rumeysan yahay raali kama ahan xil ka qaadista Maxamed Dheere oo aheyd mid ay soo maleegeen Nuur Cadde iyo sxbkiis Axmed Cabdisalaan, waxaana tani keeni karta mid jahwareer ka dhex dhalisa Dowladda dhexdeeda.
Maxamed Dheere laftiisa waxaa uu ku kalsooni qabaa go'aanka Madaxweynaha, maadaama xilka qaadista uu cadeeyay inuu diyaar u yahay, laakiin ay lagama maarmaan ay tahay in Xafiiska Madaxweynaha lagaga dhawaaqo.
Inkastoo inta badan dadweynaha Muqdisho ay soo dhoweeyeen xil ka qaadista Maxamed Dheere, hadana waxaa laga cabsi qabaa in ay fashilanto xilka qaadistaas, maadaama Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay ka soo horjeedaan.
|